Wasiir Oomaar: “Wax cabsi Amni ah kama jirto Garoonka Muqdisho, baaritaan ayaana ku socda…” [Dhageyso]

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iy duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) ayaa sheegay inaysan wax cabsi iyo halis amni ah ka jirin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ka hadlay nin ajnabi ah oo Muqdisho ka dhoofayey oo lagu qabtay waxyaabo looga shakiyey qarax, markii la baarayna la ogaaday inaysan ahayn wax qarxa, iyadoo meeshii ugu horeyay ee lagu baaray lagu qabtay, lana ogaaday inaysan ahayn waxyaabo qarxa, balse uu ahaa qaca dadka ka ilmeysiiya, balse baaritaan uu socdo.

Ad

Wasiir Oomaar ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn jiray dalka oo uu hore u qaadanayey walaxdaasi, ninkan ayaa u socday Yurub, wuxuuna raaci lahaa shirkadda Eithopian Airlines, iyadoo aysan jirin diyaarad loo dan lahaa iyo wax qorsheysnaa meelna.

Hay’adaha amniga ayaa baaritaan ku haya ninkan iyo walxaha uu heystay, waxaana maanta soo dhammaanaya baaritaanka lagu hayo arrintanm wuxuuna shaqaalaha garoonka ku amaanay sida ay u feejigan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iy duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomar) waxa kale oo uu sheegay in howsha Garoonka ay sidiisa u socoto, oo aynan jirin wax cabsi ah ama hakad ah oo soo galay howsha Garoonka.

HOOS KA DHAGEYSO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,988FansLike
1,143FollowersFollow
3,340FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!