Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay la wareegtay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Hiiraan.
Weerar culus oo galabta ay ku qaadeen kooxda Alshabaab degaankaasi ayay ugu suuragashay inay gacanta ku dhigaan, kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed gacanta ku hayay halkaasi ay isaga baxeen.
Alshabaab ayaa degaano ka mida Gobolka Hiiraan iyo Galgaduud dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka wada kadib markii ay ka baxeen degaanada Gobollada Sh/Hoose iyo Jubbooyinka oo duqeyn is daba joog ah Mareykanku qaaday.
Dhinaca kale maleeshiyo kale oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamo roondo ahaa duleedka degmada Buurhakaba, halka loo yaqaan Xawaal Aluunde, iyadoo la sheegay in qasaare soo gaaray ciidamada dowladda kadib markii Gaari ay wateen ay la qaraxay miino.
Ciidamo kale oo gurmad ahaa ayay Alshabaab dhexda u galeen, waxaana la soo weriyay in dhaawac soo gaaray xubno ka mida maamulka degmada Buurhakaba.