Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa dadkii dhowaan lagu laayey magaalada Gaalkacyo dusha u saaray ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Gaalakcyo.
“Wax badan waa siyaasadeysan yihiin, sida Ciidanka 21aad ee dadka ku tumanaya, oo dadka leynaya, annagu markii shilka ka dhacay Gaalkacyo hal nin oo booliis ah ayaa ku jiray, ninkii waa xiran yahay, inta kale military ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”. ayuu yiri Xaaf oo maanta ka hadlay magaalada Dhuusamareeb.
9 qof ayaa qaab heybsooc ah loogu dilay Koonfurta magaalada Galakacyo 14-kii bishan June, kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka Galmudug lagu dilay magaaladaasi.
Xaaf ayaa hore u sheegay in la qabtay dadkii dilkaasi ka danbeeyay oo sharciga la hor keeni doono, laakiin waxaa uu haddana sheegay inay falkaasi ka dambeeyeen ciidamada 21-aad ee dowladda Somalia.