Thursday, May 2, 2024

Xaaf & Hoggaamiyaha Ahlu-Suna oo isku heysta Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Galmudug

Wararka laga helayo Magaalada Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inay baaqatay doorasho lagu waday inay Khamiistii ka dhacdo magaaladasasi oo lagu dooran lahaa madaxweyneku xigeenka Garabka Galmudug ee fadhya Dhuusamreeb.

Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maaxmuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ay isku khilaafeen qofka noqonaya madaxweyne ku xigeenka oo laabda dhinac ay kala wataan musharixiin iyaga kala taageersan.

Madaxweyne Xaaf oo xilkiisa muran ka taagan yahay ayaa ka hor yimid in musharax ay wataan Ahlu suna loo doorto madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ah xil ay awood qeybsi ahaan u leedahay Beesha Mareexaan, taasoo keentay in la joojiyo doorashada ka dhici lahayd magaalada Dhuusamareeb.

Ad

Xaaf iyo Ahlu suna oo hadda shirko ku ah maamulka Galmudug qeybta fadhigeedu yahay magaalada Dhuusmareeb ayaa xiriirkoodu yahay mid mugdi badan ku jiro, iyadoo baarlamaanka Dhuusamareeb ay gacanta ku hayaan Ahlu suna, isla markaana Golaha Wasiirada  ee halkaasi lagu magacaabay ay qeyb weyn ku yeesheen kooxdaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON