Wednesday, July 9, 2025

Xaaf oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Galmudug ee ka hor timid, Digniin Culusna u diray Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay ka hor yimaadaan heshiiska Ahlu suna.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Dhuusamareeb xilli uu garab fadhiyey madaxda Xukuumadda Galmudug ayuu sheegay in ujeedka labada nin ee ka mida madaxda Galmudug ee maanta tegay Cadaado ay ka horjeedaan heshiiska Ahlu suna, taasina aan la qaadan karin.

Wuxuu intaasi ku datay Madaxweyne Xaaf inay shaqsiyaad yihiin kuwa Cadaado tegay, balse Galmudug Baarlamaankeeda iyo xukuumadeeda ay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug inay yimaadaan magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso arrimaha Galmudug sidii hore u dhacday, wuxuuna wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda kale uga digay inay faraha kala baxaan arrimaha Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON