Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo maanta ku laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay qoraalkii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia, isagoo sheegay inay tahay sharci darro.
Isagoo uu wehliyey madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayuu sheegay inaysan waxba ka jirin oo ay sharci-darro tahay warqaddii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda federaalka ee ku saabsaneyd Doorashada Galmudug iyo inuu dhammaanayo waqtigii madaxda hadda xilka heysa.
“Galmudug waa State xor ah oo madax bannaan, mustacmarad maaha, ma aha maamul cusub oo hadda la dhisayo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in warqadda soo baxday u muuqatay in Galmudug tahay State cusub, Galmudug shacab ayey leedahay, nidaam ayey leedahay, dastuur ayey leedahay, baarlamaan ayey leedahay, madax bay leedahay, caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xadgudbo, oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanayaa anugu meel ay ku taalo ma arag” ayuu yiri Xaaf.
Xaaf ayaa ayaa uga digay dadka Galmudug inay ka fiirsadaan arrimaha socda iyo sharci darrada ay wadaan madaxdii dowladda federaalka , wuxuuna ugu baaqay Galmudug inay ilaashadaan maamulkooda.