Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa loo soo galbiyey magaalada Dhuusamareeb, kadib safar dhinaca dhulka ah uga socdaalay magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kuxigeenkiisa iyo xildhibaanno ka tirsan labada Gole ayaa degaanka Godinlabe uga hortegay oo kusoo dhoweeyayn Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyadoo kadibna loo soo gudbiyey magaalada Dhuusamareeb.
Tegista Xaaf ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka danbeeyay waanwaan iyo wadahadal muddo dheer soo socday oo ku saabsan sidii uu xilka ugu wareejin lahaa madaxweynaha cusub, iyadoo ugu danbeyn uu aqbalay inuu aqoonsado maamulka cusub ee dowladda Federaalka ka dhistay Dhuusamareeb.




