Monday, July 7, 2025

Xaaf oo shuruud ku xiray shirka Berri ka furmaya Muqdisho & Xaalad ka taagan Cadaado [Akhriso]

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa qarka u saaran inuu ka baaqsado ka qeyb galka shirka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ee Berri ka furmaya magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inay weli socdaan qorsheyaal lagu doonayo in qas looga abuuro magaalada Cadaado oo lagu soo ururiyay ciidamo iyo siyaasiyiin damacsan inay qas ka abuuraan Galmudug.

Xaaf ayaa cabsi weyn kasoo wajahday ciidamo maalmihii ugu danbeeyay tegay magaalada Cadaado iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ololaha ku haya, isagoo sheegay in lacag badan la geeyay magaalada.

Qoraalka uu Xaaf soo saaray ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Wakiilka Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedya DFS  in culayska saaran Galmudug laga qaado, si uu uga soo qeyb galo shirka Muqdisho.

Arrinta dacwadda looga furay Xaaf Maxkamadda Sare ee dowladda Federaalka ayaa qeyb ka ah arrimaha uu ka sheeganayo madaxweyne Xaaf oo dalbaday in caqabadaha ku wareegsan laga qaado si uu shirka 28-ka Oktoobar ee Muqdisho uga qeyb galo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON