Monday, July 14, 2025

Xaaf oo Wasiir Cusub kusoo kordhiyay Xukuumadda Galmudug [Wasaaradii Arrimaha Gudaha oo la qeybiyey]

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa magacaabay wasiir cusub oo ka mida noqonaya Golaha Wasiirada Garabka u hoggaamiyo, kadib markii la ansixiyey Golaha wasiirada maamulkaasi.

Qoraal kasoo ka soo baxday Xafiiska Xaaf ayaa lagu magacaabay Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka, waxaana loo magacaabay Saalax Cabdullaahi Maxamed, iyadoo wasaaradda Arrimaha Gudaha laga jaray Dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Xaaf oo hore u magacaabay 25 wasiir ayaa hadda tirada wasiirada Galmudug ka dhigay 26 wasiir markii Wasaarada Arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose laba loo qeybiyay, waxaana laga jaray dib u heshiisiinta, waxaana ku soo haray Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, halka wasaarada cusub dib u heshiisiinta loogu daray arrimaha federaalka.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON