Madaxweynaha Galmudug ee waqtigiisu dhammaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa cambaareeyay liisk xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Galmudug oo ay shalay soo saareen Guddiga Farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xaaf ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inuu la xisaabtami doono ciddii soo saartay liiska xildhibaanada been abuurka ah ee Galmudug, sida lagu yiri qoraalka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay inay baarlamaankaasi u hambalyeeyaan mas’uuliyiintii hore uga soo horjeeday musuqa iyo boobka lagu sameeyay Gamudug.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
