Ciidamo fara badan ayaa la dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana la xiray inta badan wadooyinka gala ama ka baxa Madaxtooyada Soomaaliya.
Heeganka la geliyay ciidamada iyo xoojinta amniga caasimadda ayaa ka danbeysay kadib weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay bar laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, waxaana socda qabanqaabada shirka u furmaya madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Dadka Muqdisho ayaa dareemaya xaalad adag iyo ciriiri dhinaca gaadiidka ah oo si weyn loo xadiday, waxaana la xiray Wadooyinka gala Wadadda Maka Almukarama oo gaadiidka mas’uuliyiinta dowladda ay si weyn u isticmaalaan.
Tan iyo intii ay Muqdisho yimaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la dareemay xaalad amni oo adag, inkastoo la dejiyay guryo u dhow Madaxtooyada, haddana waxay qeyb ka noqdeen in la xiro wadooyin hor leh magaalada markii horeba dhagaxyadu kala qeybiyeen.
