Xaalad murugo leh ayaa ka dhalatay geerida Haweeney Uur lahayd oo uu si xun u gubay saygeeda magaalada Muqdisho, kadib muddo lagula tacaalayey Isbitaalka Digfeer.
Qoyska iyo Ehalada Luul Sheekh Cabdicasiis oo saaka geeriyootay ayaa dalbaday cadaalad iyo in sharciga lasoo taago ninkii falkaas naxariis darrada ah geystay oo wweli an lasoo qaban, waxayna caddeeyeen inaysan aasi doonin inta sharciga la horgeynayo dembiilaha.
Dhaqaatiirta ayaa badbaadin waayey ilmihii uurka ku jiray, iyadoo Marxuumad Luul C/casiis ay koomo ku jirtay dhowr maalmood, kadib dhaawac halis ah oo kasoo gaaray gubashada uu kula kacay Ninkeedii.
Dhacdada oo ahayd mid argagax leh ayaa ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxayna qabsatay Baraha bulshada, iyadoo aanay ciidmada Amniga weli gacanta ku dhigin dembiilaha falkaasi geystay, inkastoo qoyska haweeneyda ay marar badan dalbadeen cadaalad.
Ninka falkan geystay ayaa lagu magacaabaa Siid Cali Macallin Daa’uud, kaasoo la sheegay inuu guursaday, iyadoo lix caruur ah heysatay, kuwaasoo uu aabahood geeriyooday, waxayna is qabeen muddo lix bilood ah.
Wararka ayaa sheegaya inuu ninkan jir dil u geystay xaaskiisa ka dibna uu qol ku soo soo xiray ka hor inta uusan dab qabadsiin qolkii uu ku xiray.
Lama oga waxa sababay falkabn naxdinta leh, balse dadka intooda badan ee baraha bulshada ayaa dalbanaya in cadaalad la mariiyo ninkan, halka kuwo kale qabaan inuusan caadi ahayn.