Saturday, June 28, 2025

Xaalad soo dhex gashay Ciidamada Kenya & Itoobiya ee ku sugan Kismaayo iyo Taliyaha AMISOM oo ku sii jeeda

Xiisad ayaa soo kala dhex gashay ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib dhacdadii Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe u diideen diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya inay ku degto magaalada Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya oo isku dayey inay galaan Garoonka magaalada Kismaayo ayaa dib u laabtay, kadib markii ay ku sigteen inay isku dhacaan ciidamada Kenya ee garabka siinaya Axmed Madoobe, waxaana lagu wadaa inuu maanta Magaalada Kismaayo gaaro Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Tigabu Yilma oo Itoobiyaan ah.

Taliyaha AMISOM iyo sarakiisha AMISOM ee la socda aya la filayaa inuu la kulmo saraakiisha ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si xal loogu helo xiisadda ka dhalatay dhacdadii shalay.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa ka cabsi qaba in ciidamada Itoobiya ay ku dhaqaaqi doonaan tallaabo la mida tii ay ka fuliyeen magaalada Baydhaba, waxayna dowladaha Kenya iyo Itoobiya kala taageersan yihiin Axmed Madoobe iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON