Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rasaas goosgoos ah ay ka bilaabtay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada maamul.
Waxaa Galbeedka magaalada laga maqlayaa rasaas xoog leh iyo hubka waaweyn oo ay isk ridayaan ciidamo ka taabcsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in xaalada ay saaka kacsan tahay kadib markii labadii maalmood ee ugu danbeeyay xaaladu deganeyd.