Sunday, July 13, 2025

Xaaladda Amniga Suuqa Bakaaraha oo laga deyrinayo & Qeylo dhaan ka timid Ganacsatada

Ganacsatada Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda suuqaasi oo ay faro ba’an ku hayaan kooxo burcad ah.

Kulan ay shalay yeesheen Ganacstada Suuqa Bakaaraha ayay kasoo saareen qeylo dhaan iyo baaq ku socda dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato xaaladda amniga suuqa oo faraha kasii baxeysa, iyadoo sheegay inay ka shaqeyn waayeen burcad dhac joogto ah ku heysata oo ganacsiyadooda ugu soo galaya.

Ganacstada waxay sheegeen in subaxdii hore laga furi waayey suuqa burcad qammaan ah oo wado waliba taagan, ayna ka mid yihiin qaar ku lebisan dharka ciidamada, iyadoo caddeeyay in suuqa qarka u saaran yahay inuu xirmo.

Hay’adaha amniga Dowladda Soomaaliya ayey ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen sugidda amniga Suuqa Bakaaraha, iyadoo ganacstada ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON