Tuesday, June 24, 2025

Xabbad joojin dhaqan gashay iyo Iran oo daqiiqadihii ugu danbeeyay duqeyn xoog leh la beegsaday Isra’iil

Xabbad joojintii uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dhaqan gashay dalalka Iran iyo Israa’il. kadib duqeyn culus oo Iiraan ay ku ekeysay magaalooyinka Yuhuudda.

Trump ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xabbad joojinta, wax yar kadib duqeyntii ciidamada Iran ka geysteen Saldhiga ciidamada Mareykanka ee dalka Qatar, waxaana markii danbe aqbalay oo soo dhoweeyay xukuumadda Israel.

iran ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay xabbad joojinta ka hor fulisay weerarro is daba joog ah, waxayna ilaa 15 Gantaal ku riday magaalooyinka Israa’iil, iyadoo mid ka mida Gantaalahaas uu ku dhacay dhisme ku yaalla magaalada Bersaba oo ay ku dhinteen 5 qof, halka 22 kale ay ku dhaawacmeen.

“Waa lagu heshiiyay si buuxda — Israel iyo Iran — in la gaaro xabbad joojin dhammaystiran,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social, wuxuuna intaas ku daray in Iran ay marka hore joojin doonto xabadda, kadibna ay Israel fulin doonto.

 Israel ayaa soo werisay in xabbad joojinta kadib ay laba gantaal kusoo riday Iran, taasoo ay beenisay Iran, waxaana muuqata inay xabbad joojinta tahay mid jilicsan oo xilli kasta burburi karta.

Iran iyo israel ayaa mid kasta guul ka sheegtay dagaalka socday tan iyo 13-kii bishan June, kadib weerar aan hore loo arag oo Israel ku qaaday dalka iran, iyadoo kadibna uu Mareykanka burburiyay xarumihi Nukliyeerka ee Iran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON