Wednesday, June 25, 2025

Xafiiska cusub ee Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo laga furay Magaalada Jiddah [Sawirro]

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa xariga ka jaray xarunta cusub ee Ergada Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamiga.

Furitaanka Xafiiska Ergeda oo si habsami leh ku dhacday, ayaa Wasiirku ku booriyay diblomaasiyiinta ka shaqeeya inay dardargeliyaan howlaha loo igmaday.

Wasiir Ahmed Cawad ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xarunta Qunsuliyadda Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Jeddah, isaga oo kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay iyo adeegyada ay u fidiso Soomaalida ku nool dalka Sucuudiga.

Wasiirku waxa uu dhiirigeliyay howlaha Qunsuliyadda Guud ee Jeddah ay qabato oo ka mid ah seddexda qunsuliyadood ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay Dibadda, isagoo xusay in laga maarmaan ay tahay in shakhsi kasta lagula xisaabtamo waajibka ka saaran shaqada uu u xilsaaran yahay, si danaha qaranka loo fuliyo, si aanay ku jirin habsaamid iyo dib u dhac, dadka iyo dalkana loogu adeego daacadnimo iyo nafhurid.

Image may contain: 1 person, standing, suit and indoor

Image may contain: 21 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: one or more people and people sitting

Image may contain: 26 people, people smiling, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON