Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa shaqaalaheeda xafiiskaasi ka mamnuucay inay cunteeyaan ama tagaan Maqaayada The Village ee ku taala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Fariimo loo kala diray shaqaalaha Q/Midoobay ee Muqdisho ayaa looga digay in aysan maqaayadaas ka cunteyn karin, isla markaana aysan tagi karin xilliyada nasashada iyo fasaxa shaqada ku jiraan.
Sida laga helay shaqaalaha UN-ka oo farriimaha loo diray saxaafadda la wadaagay ayaa sheegay in arrintan ka dambeysay xog uruurin dhinaca amniga oo ay sameyeen Guddi Amni ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kaas oo lagu magacaabo SMT.
Maqaayadan oo ah tan kaliya ee Soomaali leedahay ee ka shaqeysa gudaha Garoonka Magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn in weerar ganacsi lagu hayo iyo inay jiraan arrimo kale oo halis ah.
Goobjooge.com