Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta looga yeeray saxafiyiinta iyadoo arrintaasi lo qaatay inay tahay munaasabad lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada.
Saxafiyiin ka badan kuwii caadiga ahaa ayaa degdeg u tegay xafiiska iyagoo mid waliba doonayay inuu goobjoog u noqdo magacaabidda Golaha wasiiradada cusub, laakiin waxaa soo shaac baxday xaalad ka duwan tii ay saxafiyiinta maleynayeen.
Ra’iisal wasaaraha ayaa kulan la lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlayay xaaladda abaaraha iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmad weyn oo dowladda ay iku duba rideyso.
Shirka ayaa muddo qaatay kadibna waxay saxafiyiintu soo weriyeen in labada dhinac ay ka wadahadleen gurmad degdeg ah oo loo fidiyo dadka abaartu heysto oo bilaabay inay geeriyoodaan iyo balanqaad ay bixiyeen Ganacstada.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maanta ku dhaawaqay in la furay ‘OLOLAHA GURMAD QARAN’ oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah u sameysay olole loogu gargaarayo abaaraha dalka ku habsatay.
Magacaabidda Golaha wasiiarada ayaa in muddo ah dib u sii dhacay iyagoo maalmo dheeraad ah loo baahday marka la eego xaaladda ka taagan awood qeybsiga beelaha ee xilalka wasiirada.
Goobjooge.com