Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Rooble ayaa muddo afar maalmood socdaal qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo aqbalay raaligelintii uu siiyey, dibna usoo celiyay xiriirkii rasmiga ahaa ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo muddo 4 sano ku dhowaad ah xumaa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa sida dhaxalsugaha iyo maamulaha rasmiga ah ee Dalkaasi Maxamed Bin Zayid, Madaxweyne ku xigeenka iyo mas’uuliyiin kale.
Xafiiska Ra’iisal wasaraha ayaa sheegay in socdaalku la xiriiray arrimaha soo socda:
1- Xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka
2- Fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta
3- Dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas
4- Gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso
iyo qodobbo kale oo khuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo UAE.
