Monday, July 14, 2025

Dabaaldeg lagu qabtay Muqdisho iyadoo Meydad iyo dad nool ku hoos jiraan Hotelka Naasa-hablood

Waxaa caawa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay xaflad loogu dabaaldegayo munaasabadda 26 June oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed uu ka dul badbado dhul xor ah iyo xoriyadii GobolladaWaqooyi ee Soomaaliya.

Xafladan ayaa lagu soo bandhigay heeso kala duwan iyo miyuusik iyadoo ay khudbado ka jeediyeen madax kala duwan, waxayna waxaasi oo dhan dhacayaan xilli galabta weerar culus lagu qaaday Hotelka Naasahablood ee magaalada Muqdisho oo dad badan ay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmeen.

Waxay xafladaas baas iyo miyuusigu socdaan xilli Hotelka la wareeray ay burburkiisa laga soo saarayo dad meyd ah oo dadkii oo dhan ku jiraan tacsi iyo murugo, lana soo weriyay in dad nool ay weli ku go’doonsan yihiin burburka hoostiisa, ogow waa dad sooman…!!!!!

Waxay xafladda 26 June ka dhaceysaa Xarunta looga taliyo Gobolka Banaadir iyadoo Isbitaalada Muqdisho ay ku baaqayaan in dhiig lala soo gaaro oo dadka laga codsaday inay bixiyaan dhiig deeq ah si loogu badbaadiyo dadka dhaawaca ah ee faraha badan.

Dhaqanka noocaani ah oo dabcan loola jeedo in lagu diido weerarada Alshabaab loona muujiyo in wax waliba laga soconayo waxaa cad inuu caawa noqday mid ceebeysan oo madaxda dalka laga rabay inay damiir dadnimo is geliyaan oo u damqashada dadkooda kala weynaato dabaaldeg, waxayna ahayd in lagu bedelo murugo.

Madaxda dowladda iyo kuwa Gobolka Banaadir waxay xambaarteen ceeb damiir xumo iyo mid mas’uuliyad darro markii ay u bareereen dabaaldeg xilli dhaawacoodudhiig baxayo, meydkooda la qufayo, dad nool la la’ yahay.

Goobjooge.com



26 juun maalin qiimo lehDaawo Xafladii 26 june oo caawa kasocota muqdisho

Plz Shere Comment hadii aad ku faraxsanthy

Posted by Kowthar Media on Saturday, 25 June 2016

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON