Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in maanta aya magaaladaasi ka socoto xaflad lagu tageerayo musharaxnimada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ee xilka Madaxweynaha maamulka K/Galbeed.
Xafladan ayaa daba socota markii Roobow uu Khamiistii tegay magaalada Baydhaba, isagoo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa oo maanta si rasmi ah loogu taageerayo xafladda ka dhaceysa hotel ku yaalla magaalada, iyadoo la dhega tiray xayiraadda qoraalka ay soo saartay Wasaaradda Amniga ee musharaxnimada looga reebay Roobow.
Xafladda musharaxnimada madaxweyne ee Sheekh Mukhtaar Roobow, waxaa ka qeyb galaya xildhibaannada K/Galbeed iyo waxgaradka K/Galbeed, iyadoo uu ka hadli doono Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali.