Friday, June 27, 2025

Xaflada Sanadguuradii 4-aad ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo isu bedeshay olole Doorasho

Xaflad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 4-aad ee markii uu xilka madaxweyne qabtay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho.

Xafladda loo lagu qabanayo Hotelka City Palace ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha iyo inta badan wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

xasansheekhXafladda ayaa si toos ah looga tebinayaa TV-ga dowladda, waxayna qeyb ka tahay ololaha musharaxnimada uu doonayo in mar kale dib loo doorto.

Barnaamij ay diyaariyeen weriyeyaasha warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in dhamaan waxyaabihii dadka Soomaaliyeed qabsadeen inay ka mid yihiin waxqabadka dowladii Xasan Sheekh.

Dabaaldegga sanadguurada 4-aad ee Xasan Sheekh ayaa gebi ahaan isu bedelay olole doorasho, taasoo ka soo horjeeda qorshaha doorashada ee ah in musharixiintu u sinaadaan warbaahinta dowladda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON