Xaflad kale oo soo dhoweyn ah ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho, taasoo loo sameynayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).
Xafladan oo dad badan lagu sacuumay ayaa imaaneysa 48 saacadoo gudahood markii la qabtay xafladii uu xilka kula wareegay ee ka dhacday xarunta G/Banaadir, waxayna ka mid tahay xafladaha faraha badan ee caadadda u noqday in loo qabto madaxda qaarkood iyadoo kharash fara badan ku baxayo.
Waa xafladii saddexaad ee Muqdisho loogu qabto duqa cusub ee Muqdisho oo aan ahayn nin xil dowladeed ku cusub balse ahaa wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ee xilligan uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.