Monday, July 14, 2025

Xafladii Xil wareejinta Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka bilaabatay Xarunta Dowladda hoose

Munaasabadda xil wareejinta maamulka Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd ka bilaabtay xarunta dowladda hoose ee caasimadda Soomaaliya.

Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayey Taabit Cabdi Maxamed ayaa xilka ku wareejinaya maamulka cusub ee C/raxmaan Cumar Yariisow oo dhowaan xilka loo magacaabay, waxaana xil wareejinta ay saameyneysaa guddoomiyaha, ku xigeenada iyo xoghayaha guud.

Maanta ayay maamulka cusub booqdeen xafiisyada G/Banaadir iyo hay’adaha hoos yimaada, iyadoo warbixin uu siiyay guddoomiyihii hore, waxayna munaasabadan noqoneysaa xil wareejintii ugu waqtiga gaabneyd, iyadoo muddo sanad ka yar uu xilka hayay maamulkii hore.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON