Guddiga Doorashada Madaxda Bannaan ee Qaranka oo maanta ho tegay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey in Doorashada dalka laga qabto a u baahan tahay 13 bilood oo gaari karta Ogost 2021.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo qoraal ka hor akhrisay Baarlamaanka ayaa caddeysay in sida sharciga Doorashadu dhigayo Doorasho loo maro habka diiwaangelinta dadka ay u baahan tahay 13 bilood oo ka bilaabata July 2020 ilaa Ogost 2012.
Xaliimo Yarey waxay kaloo soo hadal qaaday inuu jiro hab kale oo cod-bixiyeyaasha la diiwaangelinayo isla maalinta ay codeynayaan, kaasoo ka waqti iyo kharash yar nooca hore ee sharcigu timaamayo, ayna ku qaban karaan muddo 9 bilood ah oo ka bilaabata July 2020 ilaa March 2021.
Habka hore ayaa ka dhigan in dowladda Federaalka iyo Guddiga Doorashada u baahan doonaan waqti kordhin, halka habka labaad oo khilaafsan sharciga Doorashooyinka u baahan yahay ilaa 6 bilood oo dheeraad ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ayaa su’aalo ka keenay xilliga iyo qaabka doorashada Guddiga soo bandhigay, iyadoo ay weli taagan tahay xiriirka Guddiga iyo Maamul Goboleedyada.


