Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa Axadii 1-da Bisha Oktobar ku dhawaaqay in la hayo qof loo qabtay weerarkii ka dhacay suuq Xamarweyne oo lagu dilay xoghayihii ururka Qaranka haweenka iyo nin ay dhahay guddoomiyaha ururkaasi. [Akhriso]
Iyadoo taliska Booliska iyo wasaaradda Amniga ay sheegeen inuu socdo baaritaan ayaa waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan kiiskan, iyadoo weji kale loo yeelay, haddana waxaan soo gudbineynaa natiijadii dabagal aanu ku sameynay kiiskan iyo sida lagu qabtay askariga la tuhun yahay.
WAA KUMA ASKARIGA LOO XIRAY KIISKA..?
Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Booliska ayaa lagu soo qabtay askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda, kaasoo ka mida ciidamo ilaalo ahaan ugu qoran safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Askarigan la tuhmay ayaa maalinta weerarka uu dhacay lahayn wax shaqo ah, waxaana lagu arkay goobta uu weerarku ka dhacay, iyadoo dad kala duwan ay sheegeen inuu isagu ahaa qofkii rasaasta ku furay gaariga guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka.
SIDEE TOO TUHMAY ASKARIGAN..?
Sida ay ogaatay Goobjooge, ciidamada booliska ayaa baaritaanka weerarkan intii ay ku jireen helay marqaatiyaal dhowr ah oo ka badan 2, kuwaasoo caddeeyay inay askarigan uu yahay ninkii ay arkeen isagoo rasaasta ku furaya gaariga lagu dilay xoghayihii ururka haweenka Qaranka iyo ninka ay dhashay guddoomiyaha ururka Qaranka Haweenka.
Marqaatiyaasha qaarkood waxay kasoo dhex saareen dad fara badan oo la dhex geliyay, iyagoo sheegay inay 100% hubaan inuu ahaa shaqsiga rasaasta furay ee dilka geystay.
MAXAA FUDUDEEYAY QABASHADA ASKARIGAN..?
Askarigan ayaa waxaa in la qabto si weyn u fududeeyay inuu ku howlgalo Qori nooca F16 ah oo naadir ka ah adeegsigiisa magaalada Muqdisho, iyadoo dadka heysta ay aad u yar yihiin, isla markaana si fudud loo raad-raaci karo.
Dhawaqa qorigan oo ahaa kan kaliya ee falka lagu geystay, askariga loo qabtay oo goobta weerarka ka dhacay ku sugnaa iyo marqaatiyeyaasha ku caddeeyay waxay keeneen inuu noqdo qofka ay hay’adaha amniga hubaan inuu falkan ka dambeeyay.
SIDEE LOO QABTAY ASKRIGAN..?
Kadib markii ciidamada Booliska baarista ku dhaqaaqeen waxaa dhibaato weyn noqotay in la soo askarigan, waxayna ku qaadatay ciidamada howl adag, isagoo dhuumasho galay, isla markaana sii xoojiyay tuhunka ah inuu ku lug lahaa kiiskan.
YAA ASKARIGA KU WEHLIYA KIISKAN..?
Waxaa askariga la hayo lala qabtay gaari Cabdi Bille oo isla ciidamada NISA leeyihiin, kaasoo goobta weerarka ka dhacay ku sugnaa xilliga weerarka isla markaana inuusan tallaabo qaadin ka sokow ay ku dhaqaaqay tallaabooyin shaki leh, waxaana isla gaarigan hore loogu arkay goobo ay weerarro noocan oo kale ah uga dhaceen Muqdisho.
Baaritaanka kiiskan ayaa ah mid bilow ah, waxaana dhici karta in wax waliba isbedelaan, iyadoo qaar ka mida dadka marqaatiyeyaasha loo hanjabay, qaarkoodna naftooda halis la geliyay, waxaana dhici karta in shabakad isku xiran ay ka dambeyso weerarkan iyo kuwii ka horeeyay ee la midka ahaa oo gudaha hay’adaha ammaanka ka dhex jirta.
GABAGABO
Arrimahan oo dhan waxay ciidamada ammaanka ku hoggaamiyeen in askariga loo qabtay kiiska weerarkii Xamarweyne ee 27-kii September uu yahay shaqsiga ku eedeeysan ee baaritaanka ku socdo, waana kiis adag oo baaritaan dheeraad ah iyo shaqo badan u baahan si loo helo xaqiiqadiisa.
Iyadoo aanay jirin cid dembi u yeeli karta qof eedeysane ku kooban oo aan Maxkamad lasoo taagin ayaa dadka qaarkood waxay bilaabeen inay kiiskan u yeelaan weji qabiil, iyadoo baaritaankii socdo, taasoo ka mida qorsheyaasha wejiga looga xumeynayo dadaalka ciidamada mamaanka ugu jiraan inay uga hortagaan weerrarada ka dhaca Muqdisho ee dadka badan lagu laayo.
F.G. Waxaan ka gaabsanay inaan adeegsano magacyada iyo xog dheeraad ah si aysan carqalad ugu noqon baaritaanka socda.
XOG URURINTII: GOOBJOOGE.NET