Taliska Ciidamada Booliska ayaa isbedel weyn ku sameeyay qaabka loo bixin jiray warqadda Denbi la’aanta ee CID-da bixiso, taasoo dowladda Somalia ay ku xirtay adeegyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Baasaboorka, Warqadda dhalashada iyo Ruqsadda Wadista Baabuurta.
Taliyaha Ciidamada Booliika Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa hakiyey bixinta Warqadda Dembi la’aanta oo hore looga bixin jiray xarunta CID-da ee agaagarka Isgoyska KM4, kadib markii la baahiyey musuqmaasuq ka jira xaruntaasi iyo dhibaato ay ku qabaan dadka Soomaaliyeed ee doonta waraaqahaasi, wuxuuna balanqaaday in isbedel lagu sameyn doono.
Taliyha ciidamada Booliska iyo Agaasimaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta kormeer xarunta Baarista Dembiyada CID-da oo qeyb cusub loo dhisay bixinta Warqadda denbi la’aanta iyo Fara Qaadista, iyadoo halkaasi lagu qalabeeyay Qalab Casri ah o ku shaqeynaya qaab Computer ah.




