Sunday, July 13, 2025

Xarun laga bixinayo Baasaboorada oo loo furay Dadka ku nool 8 Degmo oo ka tirsan G/Banaadir.

Xaruntii labaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa laga furay magaalada Muqdisho, taasoo la bixin doono Baasaboorada.

Xaflad lagu furay xaruntan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow, Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish), Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Xaruntan cusub ee laga daahfuray degmada C/casiis ayaa loogu talogalay inay ciriiriga ka yareyso halka xarun ee hore looga bixin jiray Baasabooradda, waxaana la sheegay in loogu talogalay inay u adeegto dadka ku nool 8da degmo ee kala ah: Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa, Shangaani iyo Xamar Weyne.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON