Sunday, July 13, 2025

Xarun lagu Diiwaangeliyo Diyaaradaha iyo Duuliyeyaasha oo laga furay Garoonka Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho xariga laga jaray xarun lagu diiwaangeliyo Diyaaradaha, isla markaan ruqsad siineysa Xirfadlayaasha Duuliyeyaasha ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa garoonka Aden Cadde ee Mqudisho ka daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha, isagoo bogaadiyey dadaalka Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed suurageliyey howshan quseysa nidaamka duulimaadka dalka.

Xaflad ay kasoo qeyb galeen Safiirro, Xildhibaano, madaxda Shirkadaha diyaaradaha Iyo marti sharaf kale, waxaana oggolaansho shaqo iyo ruqsado lagu guddoonsiiyey shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal soomaaliyeed.

May be an image of 4 people, people standing and outdoors
May be an image of standing, aircraft and outdoors
May be an image of 10 people and people standing
May be an image of 6 people and people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON