Thursday, June 26, 2025

Xarunta maamulka Galmudug oo noqotay magaalada kaliya ee ay maanta u bilaabatay Ciidul Adxaa

Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo ah xarunta  maamulka Galmnudug  ayaa maanta oo Arbaco ah laga ciidayaa maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa, iyadoo ay noqotay magalaalada kaliya ee dalka Soomaaliya ee maalin gaara ciideysa.

Maamulka Ahlu suna ee la midoobay Galmudug ayaa muddo dheer ku dhaqmayey faham diineed oo u gaara, kaasoo weli sii socda, waxayna Ciida sanadkan ku khilaafeen magaalooyinka kale ee Gobolkaasi sida Cadaado.

Saaka ayaa laga tukaday ciidul adxaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana xalay maamulka magaalada ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciida. Masaajidada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka laga maqlayay Takbiirta, iyadoo lagu dukaday salaada Ciida.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaada Ciida la dukaday dadweynaha magaalada Dhuusa Mareeb.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON