Friday, August 15, 2025

Xasan Kheyre oo qaaday tallaabo Halis gelisay Farmaajo & Mahdi Guuleed (4 Qodob & Qoraal uu diray -XASAASI)

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah oo halis gelineysa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana xaalad adag oo siyaasadeed ku noqoneysa Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu Kheyre u diray Ra’iisal wasaraha cusub 24-kii bishan, isla markaana ogeysiin ugu socotay xafiisyada Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Hanti dhowrka iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayuu ku caddeeyay inuu diyaar u yahay xil wareejin uu toddobaadkan gudhiisa xilka ku wareejiyo, si uu Ra’iisal wasaaraha cusub warbixin guud uga siiyo xaalada dalka iyo caqabadaha jiray si looga fogaado dib u dhac ku yimaada howlaha horumarinta dalka.

Tallaabada uu qaaday Xasan Cali Kheyre ayaa halis sharc iyo mid siyaasdeed ku noqotay Madaxweyne Farmaajo oo si aan sharciga qabin ku-sime u magacaabay ku-xigeenkii Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxmed Guleed, waxayna haddii uu aqbalo Ra’iisal wasaare Rooble sababi kartaa arrimaha soo socda:

1- Inay sharci darro noqdaan magacaabidii iyo xeerarkii laga ansixiyey Golaha Wasiirada ee xilka sii hayey oo ay ku jiraan Guriyadii adegag garsoorka, Bartoolka, La-dagaalanka musuqa iyo tobnaan heshiis iyo xeerar la boobsiiyey oo dhammaantood Madaxweynaha qeyb ka ahaa.

2- Waxay soo shaac bixin doontaa wixii ku takri-fal awood iyo hanti qaadasho ee dhacay labadii Bilood ee dalku ahaa Ra’iisal wasaare la’aanta;

3- Waxayna caddeyn doontaa shaqsiyadda Ra’iisal wasaaraha cusub oo ay bannaanka soo dhigi doonto kartidiisa iyo ka madax bannaan yahay Villa Somalia iyo sida uu go’aanno adagna u qaadan karo.

4- Arrintan waxay imtixaan ku tahay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo arrimo badan ay dhaceen intii uu xafiiska joogay.

Warqadda Kheyre oo dhinacyo badan gaartay way caddahay inuusan ogolaan karin Madaxweyne Farmajo, laakiin waxay heysataa qodobo sharci ah, haddii aanay Madaxtooyadu wadin qorshe ay denbi uu soo oogeyso Ra’iisal wasaarihii hore. Waxay kaloo Ra’iisal wasaaraha cusub ku tahay xaalad adag oo ka mida howlaha cakiran ee sugaya oo la bilaabaneysa xil wareejintiisa. Waxaa la qiimeyn doontaa, lagana war sugi doonaan jawaabtiisa.

Ra’iisal wasaarihii hore wuxuu haayaa xog badan iyo sir dowladeed oo la sheegay inuusan xitaa wax badan ka ogeyn Madaxweyne Farmaajo, taasoo muhiim u ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu helo; Halka dhinaca kale ay ka tahay Seef laba Afle ah oo mar kaliya jab sharciyeed iyo siyaasdeed ku ah Farmaajo iyo Mahdi Guuleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON