Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Musharax xilka Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay ka badbaadeen isku day dil oo loola dan lahaa isaga iyo musharixiin kale oo ay wehliyeen xildhibaanno.
“Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo..” ayuu yiri Xasan Kheyre oo ka hadlay kadib rasaas lagu furay bannanbax ay hoggaaminayeen oo ka socda Jidka taga Garoonka Muqdisho.
Wuxu sheegay in Xalay saqdii dhexe weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, ayna kasii digeen natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.
“Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta ,weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen. Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Cali Kheyre.
