Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba isagoo shalay halkaasi ku tegay socdaal ku saabsan furitaanka tababar ciidamo ka mid noqonaya kuwa isku dhafka ah ee qaranka.

Wadahadal gaar ah ayaa xalay dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, kuwaas oo la sheegay inay ku saabsanaayeen xiriirka dowladda federaalka iyo maamulka Jubba oo mudooyinkan xumaa sidii Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshinka ugu qaadeen baarlamaankii loo dhisay Jubba.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ujeedka ugu weyni yahay inuu heshiis qarsoodi ah la gaaro Axmed Madoobe oo ay isku dhow yihiin dhinaca siyaasadda si looga soo jaro Puntland, waxayna wararku sheegayaan in Axmed Madoobe oo dhibaato ka heysato sidii dib loogu soo dooran lahaa mar kale iyadoo xilku ka dhammaanayo August 2015 uu baahi weyn u qabo taageero uu ka helo Xasan Sheekh.
Labada nin ayaa lagu wadaa inay heshiis qarsoodi gaaraan si ay isaga kaashadaan hiigsiga cusub, heshiiskan oo ay ugu weyn yihiin inuu Axmed Madoobe taageero dowladda Federaalka iyo qorshaha kooxda Xasan Sheekh ee 2016, isagana laga taageero sidii mar kale loogu dooran lahaa madaxweynaha Juba.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]