Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan waxba laga qaban sidii ay dalka ugu dhici lahayd doorasho, waqtiguna uu kasii dhammaanayo dowladda hadda jirta.
Xasan Sheekh oo ka hadlayey shir jaraa’id oo madaxda Madasha Xisbiyada uga hadlayeen xaaladda Afgooye oo fatahaad ka dhacday iyo degaanada laba Gobol ee Shabeellooyinka ayaa sheegay in aan weli laga jawaabin su’aalo ku saabsan doorashada Dalka.
“15 ogost waxaa la doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka. Doorashada asalkeedu waa Baarlamaanka, haddii Baarlamaan aanu joogin, jidkana kusoo jirin waa halista aan ka dignay khilaaf Dastuuri ah, dalkuna meel cad kusoo dhacayaa..” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh oo sheegay inaan weli la isku raacin doorashada la gelayo.
Wuxuu sheegay inaan laga jawaabin inay doorasho dhaceyso iyo in kale, nooca doorashada iyo cidda maamuleysa, isagoo soo dhoweeyay shirka madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga socda magaalada Dhuusamareeb oo uu rajeeyay inay wax fiican kasoo baxaan.

“Madasha mowqifkeeda waa cad yahay waxay taageeraysaa nooc kasta oo Doorasho oo wadar ogol ah.. kaliya inta Dhuusamareeb joogta maahee, laga wada qeyb galo oo inta ka maqan laga qeyb geliyo.. Doorashadaas ayaa doorasho noo ah..” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka ka socda Dhuusamareeb.