Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay Salaadii Janaasada ee Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir oo lagula tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada.
Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan ayaa dhalay ku Geeriyooday qarax Miino oo ka dhacay deganka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Farxaan Qoroole inuu ahaa Geesi ay ka go’nayd inuu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed.
“Dadka Soomaaliyeed maanta waxay leeyihiin hal caddow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argixisada Alshabaab, taasoo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.
Madaxweynaha ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
