Monday, July 14, 2025

Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo ku dagaalamaya Xildhibaanada Dirta Waqooyi [Akhriso Halista Qorshahan]

Ra’iisal wasaaraha xilka siihaya Cumar C/rashiid Cali ayaa taageeray go’aan ay soo saareen 13 oday oo ka tirsan odayaasha Dirta Waqooyi.

Odayaashan ayaa dalbaday  in Doorashada xildhibaanada Dirta Waqooyi lagu qabto Xerada Xalane, markii ay sheegeen in handadaad iyo falal cagajugleyn ay lagu hayo ergadooda ayna dhacday  in tacadiyo lagu kaco odayasha qaarkood.

cumar-iyo-xasan

Cumar  C/rashiid ayaa qoraal uu soo saaray ku ayiday in doorashada xildhibaanada beelaha Dirta Waqooyi lagu qbato xerada Xalane ee UN-ku maamulo oo ah meel aysan wax awood ah ku lahayn dowladda Federaalka iyo hay’adaheeda ammaanka.

Akhriso: Odayaasha Beelaha Waqooyi oo dalbaday in Doorashada Xildhibaanadooda lagu qabto Xalane [Akhriso Qoraal yaab leh] 

Arrintan ayaa salka ku heysa loolan awoodeed iyo dagaal loogu jiro in xildhibaanada beeshan taageero looga helayo oo u dhaxeeya madaxweynaha kyo ra’iisal wasaaraha xilka ka degaya, iyadoo hore loogu eedeeyay wasiirka Warfaafinta inuu xertay oday dhaqameed isagoo adeegsanaya cidiamada NISA, taasoo markii dambe la beeniyay.

Akhri: Cumar C/rashiid oo ciidamada Nabadsugidda ku amray inay faraha kala baxaan Arrimaha Doorashooyinka (Akhriso Qoraal kulul)

Haddii ay dhacdo in arrintan hirgasho, waxaana iyaduna loo badinayaa in xerada xalane loo wareejiyo doorasahda guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaya, taasoo keeni karta inay caqabad ku noqoto galaangalkii Xasan Sheekh u lahaa arrimaha Doorashada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON