Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa isku arkay xaflad magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Laba nin aya Kampala u tegay ka qeybgalka xaflad aroos, waxaana labadaba casuumay Xasan Shire Sheekh oo ka mida dadka u dhaqdhaqaaqa ururada Bulshada iyo xuquuqda Insaanka.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo loolan adag dhex maray doorashadii madaxweynaha ee horaantii sanadkan ayaa labadaba ku guul darreystay in dib loo doorto, iyadoo Sheekh Shariif ereyo culus iyo weerar ku qaaday musharaxnimada Xasan Sheekh.
Is aragga labada nin ayaa ahaa mid walaaltinimo oo aan waxba la isku raacan xurguftii siyaasadeed, iyadoo ay si weyn isu marxabeysiiyeen, waxaan wehliyay Xasan Shire iyo xubno kale.
Goobjooge