Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kulan dood badan dhaliyey oo shalay ilaa xalay dhex maray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Fahad Yaasiin Xaaji.
Qoraal kooban oo uu faafiyey ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in kulankaasi oo ka dhacay Gurigiisa uu ahaa salaan kaliya, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah…”
Xasan Sheekh oo ka mida hoggaamiyeyaasha Isbaheysiga Mucaaradka ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku dooday inuu yahay oday Soomaaliyeed, isla markaana qof kasta oo soo gasho gurigiisa uu xushmeynayo.
Dhinaca kale Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhinaciisa sheegay in Fahad Yaasiin uu damcay arrimo siyaasadeed inuu kala hadlo, balse uu ka gaabsaday Madaxweynihii hore, waxaana muuqata in booqasho salaan ah aysan qaadan karin saacado.
