Sii-hayaha Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab degdeg ah wax ka yar 24 saacadood ka bixiyay baaqii ay soo saareen shalay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo maanta tegay magaalada Baydhaba ayaa kulan uu la qaatay haween iyo mas’uuliyiin ka sheegay in ujeeda ugu weyn ee socaalkiisa ay tahay sidii qoondada la siiyay haweenka ee 30% loo xaqiijin lahaa.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii ay haweenka u heli lahaayeen qeybta meel loo dhigay, isla markaana inta hartay ay kula loolaman ragga.
Arrintan ayaa noqoneysa diidmadii ugu weyneyd iyo jawaab degdeg ah oo madaxweynuhu ka bixiyay baaqii culimada oo ka digtay in haween qoonde gaara laga siiyo Baarlamaanka, iyagoo sheegtay inay arrintaasi ay wataan dalalka reer Galbeedka.
Goobjooge.com