Sunday, July 13, 2025

Xasan Sheekh oo ka digay in Dalku Dastuur la’aan noqdo, Qoraal degdeg ahna diray Madaxda Dowladda Somalia

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay inuu dalku Dastuur la’aan noqdo, iyadoo dhaqanfalka asturka KMG ah uu ku dhammaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad.

Qoraal uu Xasan Sheekh u diray Madaxweynaha iyo Guddoonka labada Aqalka ayuuugu sheegay in muddada dhaqangalka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ee ku eg aakhirka Bishan Disenbar 2020,.

Wuxuu ugu baaqayin Labada aqal ee Baarlamaanka isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo dib u eegista ansixinta dastuurka, oo ay waajibaadkaas ugu gudbiyaan Baarlamaanka 11-aad sanadka 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo..” ayuu yiri Xasan Sheekh.

AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON