Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in dowladda cusub ee Soomaaliya khilaaf iyo isqabqabsi lagu mashquuliyo.
Isagoo hadlayay kadib markii loo dhaariyay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayuu sheegay inuu ku baaqayo ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara khilaaf keeni kara in dib u dhac ku yimaada dowladnimada.
Wuxuu xildhibaanada ugu yeeray in loo midoobo horumarka dalka ee aan lagu mashquulin is qabqabsi iyo khilaaf, isagoo sheegay in waxyaabaha mideyn kara Soomaalida ay ka badan yihiin waxyaabaha ay isku khilaafayaan.
DHAGEYSO
Goobjooge.com