Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Dabkii xalay ka kacay ee baabi’iyey suuqa Banaadir ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.
Farriin kooban oo uu soo diray ayuu Xasan Sheekh ku sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ganacsatada gantidooda ku waayey Dabkaasi, inkastoo aanu wax taageero ah u ballan qaadin.
“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa” ayuu farriintiisa ku yiri Xasan Sheekh.
Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble aya isla xalay farriin u diray ganacstada waxyeeladu kasoo gaartay Dabka qabsaday Suuqa isgoyska Banadir.