Wednesday, June 25, 2025

Xasan Sheekh oo lagu heysto Duqeyntii Mareykanku ku dilay Askar ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kagu heystaa inuu ka gaabsaday duqeyntii lagu dilay askar ka tirsan Galmudug & dowladda Federaalka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa ka hadlay howlggalada ala bartilmaameedsado Xarakadda Al-shabaab oo ay dhowaanahan fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya Mareykanka, isagoo aan soo hadal qaadin duqeyntii Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Galmudug ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka gaabsaday ka hadalka dhiigga ku daatay Gobolka Mudug, isagoo u awoodi waayay xitaa inuu tacsi  u diro.

Waxay tani imaaneysaa xili Xasan Sheekh uu ku jiro olole doorasho, isla markaana aad loo kordhiyay adeegsiga saxaafadda iyo baraha bulshadu ku xiriirto, waxaana isla maalinta ay duqeynta dhacday uu soo saaray tacsi ku saabsan dilkii weriye C/casiis Maxamed Xaaji.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dadkii lagu laayay duqeyntii Mareykanka, waxaana golaha wasiirada ay soo saarene qoraal cad oo ay ku eedeeyeen Puntland, laakiin xafiiska Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdadan oo ahayd tan ugu weyn ee maalmihii dhowaa Soomaaliya ka jirtay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON