Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey wixii ay ka wadahadleen siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Xasan Sheekh ayaa yiri: “Maanta waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey. Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
“Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay. Sidoo kale Waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka..” ayuu farriintiisa ku sheegay Xasan Sheekh
Qodobka ugu muhiimsan ee warka Xasan Sheekh ku jiray ayaa ah inuu caddeeyay inay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.
“Kulankeenna waxaan ku soo gabagabeynay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed heer kasta ha joogaane, loo baahan yahay wax kasta in laga hormariyo sidii si wadajir ah loogu istaagi lahaa dalka iyo dowladnimada…” ayuu farriintiisa ku soo gabagabeeyay Xasan Sheekh oo fadhigiisu yahay dalka Turkiga.