Tuesday, July 1, 2025

Xasan Sheekh oo shaaciyey inuu Alshabab soo afjarayo 2023 iyo Xilliga Deyn Cafinta Somaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waxqabadka Dowladiisa khudbad lasii duubay oo uu kusoo beegay sanadka cusub ee 2023-da.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanandkan cusub uu noqon dooonoo sannadkii dib u xoraynta, iyo dhammaystirka dastuurka qabyada ah ee dalka, isla markaana deynta laga cafin lahaa Soomaaliya.

Madaxeynahawuxuu kaloo khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Gobollada dalka qaarkood.

Wuxuu khudbadiisa ku sheegay in dawladdaay hiigsanayso sidii ay mas’uuliyadda amniga waddanka ula wareegi lahayd bisha Decembar sannadka 2024-ka, markaas oo qorshuhu yahay inay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika e ATMIS.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay sanadkan ku biirto Suuqa Ganacsiga Bariga Afrika ee Eastern Africa Community, iyo inay qayb ka noqoto suuqa Maraykanka iyo Afrika ee badeeccada canshuur-dhaafka u sameeya wax soo saarka Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON