Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii lagu caleemo-saaray magaalada Muqdisho ayaa shirkii ugu horeeyay isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran.
Golahan oo ka kooban madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah Gole sharciyadiisa muran ka taagnaa oo awoodda dalka la wareegat, lagana go’aamiyo arrimaha waaweyn, iyadoo uu gaaray heshiisyadii Doorashada dadban ee 2021-2022.
Shirkan oo hadda ka furmaya xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya waxaa ka qeyb galaya madaxda shanta maamul Goboleed oo ku sugan Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashadiisa kadib kulan gaara ah la yeeshay Madaxda Maamul Goboleeyda, xilligaas oo uu ka maqnaa guddoonka Gobolka Banaadir.
