Tuesday, July 15, 2025

Xasan Sheekh oo shirweyne lagu taageerayo musharaxnimadiisa ku qabsanaya Muqdisho

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha

ee doorashada 2016 ayaa maanta shirweyne lagu taageerayo musharaxnimadiisa ku qabanaya mid ka mida hoteelada Muqdisho xilli Wasiiradiisa Amniga ay mamnuucday shirar siyaasdaeed lagu qabto  hoteelada Muqdisho iyadoo aan fasax laga heysan.

Shiran oo Beesha Madaxweynaha kasoo jeeday ku taageereyso inuu dib ugu soo laabto talada ayaa maanta ka dhacaya Hotelka City Place ee magaalada Muqdisho, waxaan qabanqaabadiisa la waday  maalmihii ugu dambeeyay.

Taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh oo waqti hore bilaabaya ololaha ay ku doonayaan in Xasan Sheekh mar labaad loo doorto xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inuu heysto hanti badan oo u xaqiijineysa inuu helo codadka tirada ugu badan xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka.

Musharaxiinta iyo xisbiyadda siyaasadda ayaa dacwad ka dhan ah wasaaradda Amniga gudbiyay Maxkamadda Sare iyagoo  ka horjeeda in laga joojiyo shirarkii ay yeelan lahaayeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON