Sunday, June 22, 2025

Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Jid xiristii ugu xumeyd muddooyinkan..

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho xilli uu socdo diyaargarowga munaasabadda caleemo saarkiisa.

Aroornimadii saaka ayaa la xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood, iyadoo ujeedku ahaa sugidda amniga Madaxweynaha, waxaana la diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka, taasoo keenay in kumanaan dad ah ay ku dhibtoodaan wadooyinka.

Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee tegista xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay kulan uu la yeelanay Taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo warbixin ay ka siinayaan xaaladda dalka.

Ad

“Taliyah CXDS Gen Odawa Yusuf aya ku so dhaweyay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku yimid Taliska Guud ee CXDS,si uu ugu kuuragalo hannaanka shaqo ee Ciidanka XDS ayaa kulamo la yeshay, taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska CXDS” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga Dalka.

In wadooyinka muhiimka ah loo xiro madaxda dalka sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaan ahayn wax cusub, balse tallabaadii ay saaka qaadeen ciidamada Amniga waxay ahayd mid si weyn dadka loogu dhibaateeyay.

Amniga ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee dowlad kasta heysata tan iyo sanadkii 2000, waxaana muuqata in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ay la kowstay dhibaatadii uu dalka uga tegay 5 sano ka hor.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON