Wednesday, June 25, 2025

Xasan Sheekh & Prof. Jawaari: Yaa madaxweyne noqonaya kadib 10 September 2016?

Qodobka ugu adag ee hadda horyaala shirka madaxda Madasha Qaran ee Muqdisho ayaa noqday sida laga yeelayo xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ku eg 10 September 2016, kadib markii xilliga doorashada lagu daray muddo laba bilood ah.

AKHRISO JADWALKA CUSUB EE DOORASHADA 2016

Madaxda Madasha Qaran ayaa isla gartay in loo baahan yahay muddo laba bilood iyadoo doorashada Madaxweynaha la qoondeeyay inay dhacdo 7-da November, taasoo micnaheedu yahay in madaxweynaha u baahan yahay sharciyeyn muddo ku dhow 60 maalmood ama in madaxweyne KMG ah uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xasan Sheekh ayaa si weyn u diidan inuu xilka ka dego, isagoo ka digaya inay taasi keeni doonta khalkhal siyaasadeed iyo fowdo, wuxuuna soo jeediyay kuna adkeysanayaa in dowladda hadda jirta aan la kala saarin oo mar qura xilkeedu wada dhammaado.

Madaxda Madasha ayaa ku kala qeybsan arrintan oo aan xal ka gaarin weli, iyagoo ka gaabsanaya inay Xasan Sheekh si cad ugu sheegaan inuu xilka ka dego, waana tan keenay in waqtigu dheeraado.

AKHRISO QORMADA GOOBJOOGE.COM EE SOO SHAAC BIXISAY ARRINTA XILKA MADAXWEYNAHA

Prof. Jawaari oo loo diyaarinayo Madaxweyne KMG ah & Xasan Sheekh oo waagu ku baryay [WARBIXIN]

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON